Nadiga:Barcelona Oo Raadineysa Macalinkii Badali Lahaa Luis Enrique


Naadiga  ka dhisan Dalka  Spain ee Barcelona ayaa lagu soo waramaya iney raadineyso macalin cusub kadib markii ay ku adkaatay iney hubiso in Luis Enrique uu sii joogi doono.

Jariirada Sport ee kasoo baxda Spain ayaa ogaatay in Barcelona ay ka Wal-walsan  tahay macalinkooda kaas oo aan wali wax heshiis ah kooxdda u kordhin.


Maamulaha Barcelona Luis Enrique ayaa heshiiska uuNaadiga kula jiro waxa uu dhici doonaa xagaaga soo aadan


Ma jirto wax sheegaya inuu rabo inuu kooxda ka tago laakiin waxaa shaki dhalisay sababa uu wali uga aamusan yahay wada hadalada heshiis kordhinta.

Bulgarana ayaa hada bilaawday iney ka doodo qofkii lagu badali lahaa Luis Enrique, wararka qaar ayaase sheegaya in kooxdda Camp Nou ay jeceshay inuusan ka tagin Enrique oo uu heshiis cusub saxiixo

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*