Macallimka Mourinho Oo ka Hadlay Guushii West Ham


Macalimka Kooxda Man United Jose Mourinho ayaa naadigiisa kusoo celiyay si lamid ah waayihii tababare Sir Alex Ferguson, kadib lix guul oo xariir ah oo ay gaareen.


The Red Devils ayaa sedex dhibcood kala soo laabatay naadiga West Ham, kadib markii ay 2-0 kaga badiyeen, waxaana ay isha ku haysaa booska loogu soo baxo Champions League.

Juan Mata iyo Zlatan Ibrahimovic ayaa United ku hogaamiyay guushan kooxda United ay kasoo gaartay magaalada London.

Man United ayaa haatan 13-keedii kulan ee ugu danbeeyay dhamaan tartamada aanan laga badin, waxaana markii ugu danbeysay ee ay sidaas sameysay ay aheyd March 2013-kii markaas oo aheyd xili ciyaareedkii ugu danbeeyay Sir Alex


Mourinho oo ka hadlayay in guushii West Ham ay aheyd mid uu garsooraha gacanta ugeliyay ayuu BBC usheegay: “ma aanan daawan waxii ka dhacay garoonka, mana ogi taas, waxaa ay ila tahay hadii aad ka hadasho go’aankii garsooraha, waxaan ahaan laheyn kooxda horyaalka ee go’aanada qaldan laga sameeyay.”

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*