Tababare Luis Enrique Oo Yiri Barbardhacii Ay Xalayto Ka Heleen Villarreal Iyo Bandhigii Ciyaartoydiisa


Tababaraha kooxda Barcelona Luis Enrique ayaa aaminsan in wiilashiisa ay sameeyeen waxqabad uga filnaan karay iney garaacaan Villarreal kulankii xalay ka dhacay Estadio El Madrigal.

Barcelona ayaa ka badbaaday guuldaro kadib markii waqtigii dhimashada ay gool ka heleen Lionel Messi wuxuuna goolkaas jawaab u noqday goolkii uu ciyaarta ku daah furay Nicola Sansone

Si kastaba qof walba oo daawaday ayaa arkay in laba jeer Barcelona laga diiday rigoore ay aheyd in loo dhigo inkastoo sidoo kale la gartay in Villarreal qudheeda ay heshay fursad kale oo la iska indho tiray, balse wax walba oo ka dhacay garoonka maramrsiyo uma noqon karaan wiilasha Luis Enrique.


Kooxda waxey u qalantay wax badan, waxaan u qalanay guul, balse kubadda cagta mar walba cadaalad maahan” ayuu yiri Luis Enrique.

“Villarreal waa koox isku dayeysay iney ciyaarto, waxey heystaan ciyaartoy tayo leh, waxey yaqanaan qaabka ugu haboon ee si fiican loogu ciyaaro markey kubadda heystaan iyo markey ka maqan tahay intaba”

“Waan ogeyn in kulanka Villarreal uu dhib badan yahay, balse waxaan u qalanay guul, wax badan kama dhihi karo ciyaartoydeyda, balse waxaan ciyaarnay kulan weyn”

“Waxaan dareemayaa sidii kulanki Bilbao, waxaan u ciyaarnay si ka fiican xaqiiqdii, waxaan abuurnay fursado badan inkagoo ka horjeedna kooxda laga dhaliyay goolasha ugu yar La Liga inkastoo aanan sida saxda ah ula macaamilin ciyaarta sidii aan sameynay daqiiqadii ugu dambeysay”


Ugu dambeyntiina Luis Enrique ayaa qiray iney kooxdiisa wali u dagaalami karto hanashada horyaalka La Liga isagoo ugu baaqay wiilashiisa iney hormar fiican sameeyaan.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*