Qiso Mudan Odaygii Wayeelka ahaa Oo Tababaray Wiil uu Dhalay Boqortooyadii Hore


Waxaa Jiran Nin  Boqor caadil ah  waxaa uu dhalay Hal wiil Oo  keliya, boqorkaas oo jeclaa in in uu Wiilkiisa dhaxlo oo si marka uu dhaxlo sumcadiisa aan loo Dhihin Aabbihii ayaa Ka Wabaagsanaa , balse la yiraahdo waddadii aabbihii buu Maray Oo Nin Wanaagsan Sidii abihiis Oo kale , si taasi  ay u dhacdo boqorkii wuxuu u diray Wiilkiisis nin Caaqil ah  ah si uu wax u So Baro 
Ninkii Caaqilka ahaa Wiilkii  si fiican ayuu u soo dhaweeyey, isaga oo aad uga dhisay dhinaca aqoonta 
Ka dibna Maalintii ugu dambaysay ee ay wada kulmaan Wiilkii boqorku dhalay iyo Ninki Caaqilka ahaa ee ugu Yimid Waxbarshada , Kadib waxa dhacday maalintaasi inuu si sabab la’aan uu aad u Garaaco Oo waliba si ba”an u Canaanto
Wiilkii  Boqorka Dhalay  oo aad uga xumaaday sabab la’aanta loo garaacay ayaalOOGU Sii Daray iga Dhaaqaaji  wajigayga  
Wilkii Boqorka ayaa ku laabtay qasrigii Aabahii  Kadibna  waxba uuma sheegin Aabahii oo wuxuu ka baqay aabahii inuu rumaysan waayo Arinka Lagu Sameeyay
 muddo dheer kadib, waxa dhintay boqorkii oo waxaa dhaxlay Wiilkiisii  kadib inankii boqorka noqday Waxa uu u yeeray ciidammadiisi gaarka ah  wuxuuna ku yiri ,waxaad tagtaan tuulo hebla, waxaad waydiisaan ninka layiraa hebel, Hadii aad,  la kulantaan ii keena sidaasi ayey ku dhaqaaqeen askartii kuna tageen tuuladii loo diray, kuna soo kaxeeyeen odaygii Caaqilka ahaa 
Odaygii markii la horkeenay boqorkii yaraa ee Aabahii dhaxlay wuxuu odaygii ku yiri: Oday-yahow ma igaranaysaa kumaan ahay?
Odaygii wuxuu ku jawaabay, Haa sidaanan kuu garanayn miyaanad ardaygii ahayn
Wiilkii  boqorka noqday ee Aabahiis dhaxlay aad ayuu uga carooday arrintaasi, balse mar kale isagoo madaxa ruxaya, wuxuu ku yiri odaygii;
Yaah waliba waad i xasuusan tahay Soo ma aha oo waxaan ku waydiiyey maxaad maalintii iigu kaa dambaysay aad sabab la’aan aad ii Garaacday  anigoon waxba galabsan’
Odaygii wuxuu boqorka yaraa ugu jawaabay  Waa runtaa si ba’an ayaan kugu Xadgudbay
Odaygii isaga oo hadalkiisi sii-wata waxa uu ku yiri, madaama ay ahayd ujeeddada aabahaa, oo nin wanaagsan ahaa ii kaa keenay ay ahayd inaan aad ugu dadaalo tarbiyadaada waxaan aad ugu dadaalay inan wax kasta wax ka baro 
Wiilkii boqorka noqday ayaa Odaygii hadalkiisi Hakiyey oo ku yiri: in dadka layska garaaco oo waliba karbaash lala-dhaco ma wax la bartabaa ama dadka lagula dhaqmo?
Odaygii indheer- Garadka ahaa, inta uu dhoola cadeeyey ayuu ku yiri: Waad ku hagaagsan tahay sida aad tiri ka dib markii aan u arkay casharo badan oo aad nolosha iyo waaya-aragnimadeeda aad uga bahnayd, in aan ku siiyey iyo anigoo kuu arkaayey inaad maalin aabahaa oo shakhsi wanaagsan ah dhaxlidoontid
 Maalintii iigu kaa danbaysay casharka aan kugu yaboohay wuxuu ahaa kii ugu mihiimsanaa ee aan ku siiyey, waa kii aabahaa ku hayey muddadii dheerayd ee uu xukunka hayey dadkuna ku jeclaadeen,adigana waa kaaxukunkaaga soo dadajin kara siina dheerayn kara,
Waxaan sabab la’aan karbaashka kula  Dhacay, waxaan doonayey inaan ku dareensiiyo foolxumada dulmigu leeyahay iyo inaa aadan cidna dulmin.
Boqorkii yaraa, wuxuu madaxa ka dhunkaday odaygii wuxuuna ka dhigtay la taliye. Wuxuuna mar walba u hanqaltaagi jirey inuu ka Helo waayo aragnimo dheeraada.
Odeygii boqorkii yaraa wuxuu ku gargaaray inuu noqdo waayo arag iyo nin boqora oo caadil ah.
Sheekadani waxaynu ka qaadanaynaa in aan laga maarmin waayo-aragnimada iyo dhago u raaricinta dadka waayeelka ah Lana Sameeyaa Cadaalad Dadkana Lagu Xakumaa 

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*