Real Madrid Oo Jawaab Haboon Siisay Jamaahiirtii Ku Orisay Cristiano Ronaldo Kulankii Real Sociedad


Waa isbuuc xanuun badneed  madama uu xushmad darro kala kulmay Jamaahiirta kooxdiisa kuwaas oo ku oriyay markii uu dhawr kubad qalday ciyaartii ay 3-0 kaga farxasheen Real Sociedad todobaadkaan.


Daqiiqadii 23-aad ayaa la arkayay qaar kamid ah Jamaahiirta Los Blancos oo erayo aflagaado ah hawada u marinaya ciyaariyahankooda ugu muhiimsa, balse wax walba waxaa u istaagay kooxda oo barteeda bulshada ee Instagram-ka ku raali galisay ciyaariyahankeeda.


“Cristiano Ronaldo waa ciyaariyahanka ugu wanaagsan dunida” Ayaa lagu soo qoray barta Instagram-ka ee kooxd taasoo muujineysa in kooxda ka dhisan Santiago Bernabeu ay dareensiineyso xidiga reer Portugal inuu u yahay kan ugu muhiimsan mar walba.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*