José Mourinho Muxuu Ka Yiri Wararka Sheegaya Inuu Dib Ugu Laabanayo Real Madrid ?


Jose Mourinho ayaa shaaca ka qaaday jaceylka uu u qabo inuu tababare kasii ahaado garonka Old Trafford wuxuuna meel iska dhigay wararka sheegaya inuu dib ugu laaban doono horyaalka Spain gaar ahaan Real Madrid.


Macalinkaan reer Portugal ayaa shaqo wanaagsan kasoo qabtay caasimadda sadex sano intii u dhaxeysay 2010 ilaa 2013, waxaana la aaminsan yahay inuu saaxiib dhaw la yahay madaxweynaha kooxda Florentino Perez.

Si kastaba, mar la weydiiyay waxaa ku saabsan wararkaas xanta ah, Mourinho wuxuu kala cadeeyay halka uu mustaqbalkiisa yaalo.


Waxaan heshiis kula jiraa in ka badan laba sano ah Manchester United, ilaa inta ay United ka dooneyso inaan baxo kama tagi doono. waan jeclahay inaan u shaqeeyo kooxdaan” ayuu yiri Mourinho.

Dhanka kale 54-jirkaan ayaa sheegay inuusan halyeyga kooxda Wayne Rooney ku qasbeynin inuu kooxda ka tago, balse uu haatan kasoo kabsanayo dhaawacii uu qabay

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*