Naadiga Bariceloona Oo iska Xaadirisay Wareega 8aad


Ayadoo ay Xalay Kooxda Barcelona  taariikh cusub u dhigtay Koobka Horyaalada Qaarada Yurub ee Champions League, iyadoo noqoay kooxdii u horeysay ee ka soo kabata ciyaar looga badiyay 4-0 is araga hore ee wareega 16-ka ee Koobkan

Barcelona ayaa is aragii hore waxaa lagu soo xasuuqay garoonka PSG, hase ahaatee is aragii labaad oo garoonkeeda Nou Camp lagu ciyaaryay ayaa sameysay wax aan caqli gal aheyn, isla markaana la soo baxday mucjiso dad badan ka yaabisay.

Kooxda Barcelona ayaa ku badisay 6-1, taas ayaa u suura gelisay inay wareega 8-da iska xaadirisay, ciyaartoyda kooxda ayaa sameeyay dadaal weyn oo ay uga soo kabteen guuldaradii is aragii hore

Dhamaadkii ciyaarta markii ay mareysay 88 daqiiqo, Barcelona waxaa laga doonayay 3 gool, si ay ugu soo baxdo wareega saddexaad, waxaana ay sameysay wax lala yaabo, iyadoo inta ay iska soo guday farqigii goolasha, daqiiqadihii lagu daray ciyaarta ku dhalisay goolkii u suura geliyay guusha ee ay ciyaarta kaga dhigtay 6-1.


Ciyaaryahan Neymar ayaa ahaa ninka qeyb weyn ka qaatay guusha, isagoo dhaliyay Laad xor iyo rigoore, waxaana uu baasay goolkii guusha ahaa ee uu dhaliyay ciyaaryahan Sergi Roberto daqiiqadii 95aad ee dhamaadka ciyaarta, kaas ayaana suura galiyay guushii cajiibka laheyd ee garoonka Nou Camp.


Barcelona ayaa sidaas waxay ugu soo gudubtay wareega sideeda farqiga goolasha 6-5, waxayna sidaas ku sameystay taariikh cusub.

Ma jirin koox ka soo laabata 4-0, inta is araga hore laga soo badiyo, ay ku badiso goolal ka badan, waxayna rikoorka ka qaaday kooxaha Real Madrid iyo Deportivo La Coruna oo horay 4-1 is araga hore looga soo badiyay, kuwaasoo iyana 4-0 iyo 5-1 ku soo badiyay is araga labaad ee Koobkan, sanadihii 1975 iyo 2004.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*