Sadio Mane Oo Ka Maqnaan Doona inta horyaalka ka dhiman


Weeraryahanka Liverpool, Sadio Mane, ayaa ka maqnaan doona todobada cayaarood ee xilli-ciyaareedkan ka dhiman, ka dib markii uu jilibka ka dhaawacmay.

Mane oo 24 jir ah ayaa garoonka laga qaaday, ka dib markii ay isku dheceen Leighton Baines oo ka tirsan Everton, cayaartii ay 3-1 kaga guulaysteen kooxdaas martida u ahayd.

Tababaraha Liverpool, Jurgen Klopp, wuxuu sheegay inuu hubo in “Mane uu u baahan yahay qalliin”, wuxuuna intaa ku daray in “aysan suurtogal ahayn inuu mar kale safto xilli-cayaareedkan”


Mane ayaa horyaalkan kooxda u saftay dhamaanba cayaarihii ay dheeleen, marka laga reebo 5 cayaarood oo kaliya.

Laba cayaarood ayaa laga badiyey, seddexna barbarro ayey galeen, waxayna iminka ku jiraan kaalinta 3aad.


Klopp wuxuu kaloo sheegay in Adam Lallana uu soo fiicnaaday, balse uusan tababar samayn, maadaama uu weli ka soo kabanayo dhaawac bowdada ka soo gaaray.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*