Ganacsato Reer Shiinees ah Oo iibsaday AC MILAN


Ganacsato Reer  Shiina ah Oo leh shirkadda Rossoneri Sport Investment Lux ayaa dhamaystiray qandaraaskii ay kula wareegayeen kooxda kubadda cagta ee AC Milan, arrintaas oo sare u qaadaysa awoodda dhaqaale ee naadiga.

Naadigan oo ka dheela horyaalka talyaaniga ee Serie A waxaa lahaa ra’iisalwasaarihii hore ee Talyaaniga Silvio Berlausconi tan iyo 1986-dii.

Wakhtigaas waxay ku guulaysteen siddeed koob oo horyaalka Talyaaniga ah iyo shan koob oo kuwa Yurub laga dheelo.


Si kastaba ha ahaatee 2011kii ayaa u dambaysay horyaal ay qaadaan.


koobkii u dambeeyay ee horyaal ah ee ay qaadaan wuxuu ahaa sannadkii 2011kii, saddexdii sano ee u dambeeyayse waxay ku dhameeyeen kaalinta tobnaad iyo midda siddeedaad. Dadka Faaleeya spotiga ayaa Sheegay in ay wax badan ka badali  doonto Dib u dhaca  ku yimid Nadiga Sportiga  ee  AC Milan

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*