Tababare Antonio Conte Oo Ka hadlay Guushii Ay Kooxdiisa Ka Gaartay Middlesbrough?


Chelsea ayaa guul ka gaartay Middlesbrough kulan ka dhacay garoonka Stamford Bridge iyadoo kooxda ka dhisan galbeedka London ay kusii dhawaaneyso hanashada horyaalka Premier League.


Guusha ay gaartay Blues waxey ka dhigan tahay iney kaliya u baahan tahay sadex dhibcood kaliya sadexda kulan ee u haray, waxeyna fursadaas heystaan maalinka jimcaha marka ay la ciyaaraan West Brom.

Tababare Antonio Conte ayaa aaminsan iney ciyaartoydiisa u qalmeen heerka ay joogeen sidoo kalana uu aad ugu faraxsan yahay sida ay wax u socdaan.

“Kani waa xili ciyaareedkeygii ugu horeeyay ee England waana horyaal dhib badan”

“Waan ku faraxsanahay ciyaartoydeyda, wey u qalmeen tan, waxaan soo bandhignay inaan u qalanno hanashada horyaalka”


“Hadda waxaan talaabo kale u qaadnay horyaalka. waa inaan si fiican u nasano iskuna diyaarino kulanka West Brom” Ayuu yiri Conte oo la hadlayay saxaafadda kadib kulankii xalay.

“Waxaa waajib nagu ah inaan isku dayno kulanka soo aadan inaan noqono horyaal. West Brom waxey nala ciyaari doontaa kulan fiican, balse waxaa nahay diyaar”

Si kastaba Chelsea ayaa 12-ka May u dabaal dagi karta hanashada horyalkii 6-aad ee taariikhdooda iyo midkii 5-aad ee Premier League, sidoo kalana waa markii labaad oo ay sadex sano gudahood kor u qaadayaan horyaalka hadii ay sidaas sameeyaan.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*