Nadiga Real Madrid Oo Ku Guuleysatay Horyaalkii 33aad ee La Liga-ha Dalka Spain


Kooxda Real Madrid ayaa ku guuleysatay Horyaalka La Ligaha Dalka Spain, markeedii 33aad, iyadoo xalay ka badisay kooxda Malaga oo ay ugu adkaatay 2-0.

Koxda Real Madrid ayaa u baahneyd kaliya hal dhibic, si ay horyaalka ugu guuleysato, waxaana labada gool ee ay ku badiyeen u kala dhaliyay Ronaldo iyo Benzema.

Macalinka Real Madrid Zidane ayaa kooxdiisa u qaaday horyaalkiisii u horeeyay, tan iyo markii sanadkii hore uu qabtay xilka Tababarnimo.


Real Madrid ayaa koobka ku qaaday saddex dhibic oo nadiif ah, waxaana ay heshay 93-dhibcood, halka Barcelona ay heshay 90 dhibcood.

 

Sidoo kale  Kooxda Real Madrid ayaa ugu dambeysay Horyaalka Spain sanadkii 2012, waxaana ay kooxda xilligan joogtaa Finalka Koobka Champions League oo ay isku soo hareen Nadiga Ka Dhisan Dalka Talyaniga ee  Juventus.

la-liga2

laliga3

La-liga4


 

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*