Lionel Messi Oo Rikoor Nus Qarni Ka Badan Xalay ku Bareejeyay Vicent Calderon


Lionel Messi ayaa xalay ka Caawiyay Barcelona iney hanato koobkii 29-aad ee Copa del Rey markii ay Vicent Calderon ku garaaceen Deportivo Alaves.

Lionel Messi ayaa daah furay bandhigga goolasha Barcelona qeybtii hore ciyaarta markii uu kubad hal iyo labo ah la ciyaaray Neymar ka hor inta uusan lugta bidix gool caaqibo leh ku dhaliyay.


Lionel Messi wuxuu sidoo kale ka qeyb qaatay goolkii sadexaad ee Paco Alcacer isagoo u dabaal dagay koobkiisii 30-aad ee Barcelona.

Goolka uu dhaliyay Lionel Messi wuxuu kaga dhignaa inuu afar final oo Copa del Rey uu shabaqa taabtay wuxuuna barbareeyay rikoor uu Telmo Zara u dhigay kubadda cagta Spain kontomeeyadii.


Lionel Messi wuxuu shabaqa soo taabtay final-adii 2017, 2015, 2012 iyo 2009.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*