Naadiga Real Madrid Oo Xalay Ku Garaacday 4-1 Naadiga Juventuus


Cayaartan oo aheyd mid siweyn loo wadda sugayay ayeey Naadiga  Real Madrid xaqiiqsatay guusha Champions League lugtii ugu danbeysay kaddib markii 4-1 ay ku garaacday Naadiga  Juventus.

Cayaaryahanka Cristiano Ronaldo ayaa daiiqaddii 20-aad ka dhaliyay Naadiga Juventus goolkii ugu horeeyay, hasse ahaatee wax yar uun kaddib daqiiqadii 27 waxaa gool aad u qurux badan ka dhaliyay kooxda Real Madrid Mario Mandzukic oo kubad uu siwanaagsan u qaabeystay ku hubsaday goolka Naadiga Real Madrid.

Markii leysugu soo laabtay qeybtii labaad ee cayaarta waxaa goolkii 2aad u dhaliyay Naadiga Real Madrid cayaaryahan Casemiro, halka Cristiano Ronaldo uu dhaliyay goolka saddexaad oo noqonaya goolkiisii labaad cayaarta, waxaase rajadii Naadiga Juventus baabi’iyay Marco Asensio oo badal ku soo gallay kaa oo daqiiqadihii dhamaadka dhaliyay goolka 4aad ee Real Madrid ay ku badisay.


Ugu danbayn Cayaarta ayaa ku dhamaatay 4-1 ay Real Madrid ku dubatay Juventus isla markaana ay taariikh cusub ugu abuurtay Naadiga Yurub iyada oo noqotay Naadigii ugu horaysay ee difaacatay koobka UEFA Champions Leaque-ga intii qaabka hadda yahay loo dhigay horaantii sagaashamaadkii.


Inkastoo guushan Real Madrid ay u noqoneyso mid muhiim u aheyd, haddana dhinaca kale waxaa siweyn ugu baahi qabay koobankan Naadiga Juventus, balse rajadaasi ma noqon mid hergasha waloow bilowgii hore ee cayaarta Naadiga Juventus ay la soo gashay cayaar aan laga fileyn iyadoo weeraro xoogan ku qaaday goolka Naadiga Real Madrid Hase ahaate Manaqan Mid ay Guusha Raacday Nadiga Juventus

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*