Kooxda Muqdisho Oo Xalay Ku Tumatay Kooxda Jubba Konfurta Sudan


Tartanka Kubadda Kolayga ee Magaalooyinka Afrika kana socda Magalada Nairobi ayaa xalay waxaa is arkay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya iyo Magaalada Jubba ee Caasimadda Koofurta Suudaan.


Ciyaarta oo ay inta badan maamuleysay ayaa xulkii ku ciyaarayay Magaalada Muqdisho waxaa ay dhigooda Jubba ugu awood sheegteen, 87 Dhibcood oo ay Kooxda Muqdisho la timid iyo 68  Dhibcood oo ay la timid Koxda Jubba Suudaan.

Kooxda Muqdisho waxaa ay horay Habeen hore u soo garaacday Magaalada Mombasa ee Xeebta Dalka Kenya,waxaana ay Ku soo Garaacday 83 iyo 63,waxaa ay Magaalada Muqdisho hadda iska Soo xaadirisay Sami-finalka tartanka Magaalooyinka Afrika ee kubadda Kolayga.


Sido kale Kooxda Ku Cayaareeyso Muqdisho ayaa La sheegayaa in sanadkan ay Yihiin Ciyaartooy aad u Wanaagsan Oo xirfaddooda ay aad u sarreyso,waxaana laga soo kala xulay gudaha dalka iyo dibaddiisa.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*