Ciidamada maamulka Puntland ayaa gacanta kusoo dhigay nin gacan ku dhiig ah


Ciidamada amaanka maamulka Puntland ayaa gacanta kusoo dhigay nin gacan ku dhiig leh oo dhawaan dil argagax leh ka geestay xaafad katirsan magaalada Garawe ee xarunta Maamulka Puntland.


Ninkan ay ciidamada amaanka gacanta kusoo dhigeen ayaa la sheegay in dhawaan magaalada Garawe dil aad looga argagaxay ugu geestay haweeney Uur laheed, waxaana ninkan dilka kadib ku dhax baxsaday gudaha Garawe.

Howlgal ay ciidamada amaanka maamulka Puntland ku baadi goobayeen ninkan ayey ugu dambeyn gacanta kusoo dhigeen, waxaana ninkan dilka geestay uu hada ku xiran yahay xabsi kuyaala magaalada Garawe.


Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Faraweyne ayaa Warbaahinta u sheegay in ciidamada amaanka gacanta kusoo dhigeen ninka Garawe ku dilay haweeneyda Uurka laheed, waxa uuna xusay in ninkaasi Maxkamada la horgen doono laguna qaadi doono dambiga uu galay.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*