Dowladda Somaliya Oo Xiratay Markabkii jaray Fiilada Internetka


Dowladda Soomaaliya ayaa  Sheegtay in ay xiratay Markab laga leeyahay Dalka Cumaan,kaas oo lagu eedeeyay in uu jaray Fiilada Internet-ka ee bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya.

Markabkan oo ku xiran Dekadda Muqdisho ayaa 24kii June jiiray Fiilada Internetka ee Soomaaliya koofurteeda,waxaana uu maqan yahay ilaa hadda.

Internetka maqan waxaa uu sameyn taban ku yeeshay dhamaan shaqada Dadka sida Dowladda,Hay’adaha gaarka ah,kuwa samafalka,Ganacsiga,Warbaahinta.Bangiyada iyo Xawaaladaha,socdaalka iyo wixii la mid ah.


Sharikadda iska leh Markabkan hadda la xiray ee Fredriksen,ayaa Markabkan lagala wareegay Sanad ka hor kaddib markii uu ku xirtay dekadda Chittagong ee Dalka Bangladesh laguna helay in uu bixin waayay lacagihii canshuuraha ahaa,isaga oo ay dacweysay waaxda Dekadaha Dalka Bangaldesh.


Dowladda Soomaaliya ayaa Shirkadda iskaleh Markabka  ka dooneysa magdhowga khasaaraha uu Geeystay Internetka oo ka badan $2,000,000 Milyan oo Doollarka Mareykanka ah.

Wasaaradda Boostada iyo isgaarsiinta Soomaaliya ayaa sheegtay in maalinkiiba la khasaaro 10 Milyan oo dollar Ineternetka maqan dartiis,waxaana ay lacagtaas dusha ka saartay Sharikadda iska leh,iyada oo haddii ay diidana Maxkamad la tiigsan doonta.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*