Madaxweynaha Hirshabelle, Oo yiri Ciidamada Hirshabelle Waxaa Laga Xukumidonaa Dagmada Bullo burte


Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa sheegay in uu ku dhawaaqay in degmada Buulo Burde ay wixii hada ka dambeeya ay noqon doonto xarunta Taliska Ciidamada Maamulka Hirshabeelle.

Madaxweyne Cosoble ayaa sheegay in ciidamada Hirshabeelle ay cayiman yihiin, isagoo xusay in hadii shalay ay labo qeyb ahaayeen ay maanta hal yihiin Hal Qeeyb


“Ciidamada Maamulka Hirshabeelle, hadii shalay labo qeyb ka kala tirsanaayeen, Shabeellaha Dhexe ay hoos tageysay Xamar, Hiiraan ay hoos tageysay Dhuusa Mareeb, maanta waa mid hal xarun iyo hal Talis ayayna yeelanayaan oo ah Buulo Burde”ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabeelle oo ka hadlayay isagoo ku sugan Magaalada  Beledweyn.


Waxaa uu sheegay in dhowaan la dhisi doono ciidamo Boolis ah oo gaar ah, isla markaana mushaarkooda uu bixin doono maamulkiisa Hirshabelle.

inkastoo uu Madaxweeynaha Hirshabeelle uu sheegay in ay sameysan doonan ilo dhaqaale oo u gaar ah, si uu u noqdo maamul iskiis u taagan oo ku tiirsan dhaqaalihiisa ayaan Hadda u Muuqda Mid dib u Dhac Weeyn  uu Ka Muuqdo,  Waayo Waxaa Jiro Caqabado Badan Kuwaasi Oo Ka mid ah Dhanka Maamulka Hirshabelle ayadoo uu Mamulka Hirshabelle uu Dhisan Yahay Ku dhawaad Hal sano ayaa Wali aysan Kulmin Golaha Wassirada Maamulka Hirshabelle Lamana Garanaayo sababta Keentay in aysan Kulimin

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*