Madaxweynaha Jubbaland Oo yiri Baarlamaanka Hadda jira Waa Mid Wax Badan Ka duwan Kuwii Hore


Madaxweynaha Maamul Gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo xalay khudbad ka jeedinayay munaasabad Lagu Qabtay magaalada Kismaayo.ayadoo Munasabadaas  Lagu Sagootinayay wafdiga gollaha xukuumada federaalka uu horkacayay Ra’iisal wasaare  Xassan Cali Kheyre, 

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in xildhibaannada baarlamaanka 10aad ee Soomaaliya yihiin kuwo wax badan ka duwan sida uu hadalka u dhigay xildhibaannadii ka horeeyay, isaga oo sheegay in mid walba oo ka mid ah kursiga ku taggay codka 51 qof oo ka tirsan Reerkiisa.

‘’ Marka hore waxaa wanaagsan in aan ogaanno baarlamaanka 10aad ee waqtigan shaqeynaya waa mid ka duwan kuwii hore, oday ma soo qorrin, maamul gobolleed ma keensan, mid walba oo ka mid ah waxaa uu meesha ku yimid codka 51 oo qof ka tirsan Reerka uu kursiga ku matalayo, sidaa daraadeed waxaa ay ka dhigan tahay in lala xisaabtamayo oo haddii ay wax qaldamaan xildhibaan walba dib loogu yeeri karo deegaankii laga soo doortay’’ ayuu yiri Axmed Madoobe.

Xukuumada uu hogaaminayo ra’iisal wasaare Kheyre ayuu ugu Sharaxay in aysan jirin baqdin weyn oo laga qabi karo xildhibaannada baarlamaanka oo sida uu sheegay u badan rag dhalinyaro ah oo u damqanaya Qarannimada.


‘’Waxaa iska jira dhaqan soo jireen ah oo lagu bartay baarlamaannadii hore, laakiin waxaan is leeyahay baarlamaanka Soomaaliya ee xiligan shaqeynaya waa mid ay ka buuxaan dhalinyaro Aqoonyahanno u badan oo raba in horay loo socdo, marka ma jirto baqdin badan oo hadda iyaga laga qabi karo’ ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Dhinaca kale, madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in xildhibaannada baarlamaanka aysan mudneyn dacaayad iyo in loo adeegsado warar aan ku habooneyn, maadaama ayuu yiri ay iyagu yihiin kuwo asalka u ah dowladnimada.

‘’Anniga ma qabo in xildhibaannada la dacaayadeeyo ama loo adeegsado hadalo aan munaasab ku aheyn, waayo iyaga ayaaba dowladda hadda jirta dhalay oo madaxweynaha soo doortay, xukuumaddana Ansixiyay, iyaga ayaa nooga damqasho iyo Dadaal badan inteena kale, sidaa daraadeed waan uga cudur-daarayaa in hawada loo mariyo hadal aan munaasabad ku aheyn’’ ayuu yiri madaxweyne Axmed Madoobe.


Hadalka madaxweynaha Jubbaland ayaa imanaya xili waayadii ugu danbeeyay uu jiray guux hoosaad Siyaasadeed Oo  tilmaamaya in ay jiraan xildhibaanno diyaarinaya mooshin ka dhan ah xukuumada, inkastoo dhinaca kale inta badan xildhibaannadu beeniyeen in arintaasi jirto.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*