Magaalada Gaalkacyo Oo La sheegayo in 42 Ruux ay Ku Sumoobeen Raashin ay Cuneen.


Wararka Laga Helaayo Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in 42 ruux ay ku sumoobeen raashin ay Cuneen.


Dadkan ayaa looga yeeray Munaasabad Maamulka Degmada ay ku qabsanayeen Magaalada oo ay ka qeybgalayeen Shacab fara Badan iyo Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug.

12 Ruux oo kamid ah dadka sumoobay oo xaaladooda ay aad uliidato ayaa la dhigay Isbitaalka Guud ee Magaalada Gaalkacyo, Sida ay sheegeen Saraakiisha Caafimaadka.

Sidoo   kale Dadka xaaladooda lala tacaalayo Waxaa kamid ah Gudoomiye Kuxigeenada Gobolka Mudug iyo Kan Degmada Gaalkacyo ee Galmudug oo qeyb ka ahaa dadka la casuumay ee Goobjooga ka ahaa Munaasabada ka dhaceysay Xaafada Daaru Salaam ee Magaalada Gaalkacyo.


Dhinaca kale Laamaha amaanka Gaalkacyo ayaa haatan wada baaris ku aadan sida ay wax unoqdeen dadkan la sumeeyay iyo Halka ay ka timid Sunta waxyeeladan xoogan dhalisay.

Xogo la helayo ayaa sheegaya in dadkan ay ku sumoobeen Caano ay Munaasabada ka cabeen waloow warar kalana ay sheegayaan in waxa Sunta ka dhashay tahay Cunada Munaasabada laga cunay.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*