Askari Ka Tirsan Ciidanka Booliska Somaliland Oo Toogasho Ku Dilay Laba Wiil Oo Dhalinyaro Ah


Wararka laga Helayo Magaalada Hargeeysa ayaa Sheegaya in Askari ka tirsan ciidanka Booliska Somaliland uu magaalada Hargeysa dil toogasho ah ku dilay laba wiil oo dhalinyaro ah oo kamid ah dhalinyarada  Ku Nool Magaalada Hargeysa


Askarigan ayaa labadan wiil ku dilay magaalada Hargeysa gaar ahaana xaafada Cabbaaye. Maydkan labadan wiil ayaa hadda lasoo gaarsiiyey cusbitaalka magaalada Hargeysa, iyaga oo la dhigay qolka Maydka ee cusbitaalka.


Sidoo kale Ilaa hadda ma cadda sababta uu askarigan u dilay labadan wiil ee dhalinyarada ah, balse xogo kasoo baxaya dilkan ayaa waxay sheegayaan in labadan wiil ee dhalinyarada ah ay qorigii askarigu sitay ku qabsadeen sidaasna uu ku dilay askarigu labadan wiil.

Gabagabadiina cusbitaalka magaalada Hargeysa ayaa hadda lagu buuqsan yahay,waxaana soo buux dhaafiyey dad tiro badan.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*