Maamulka Degmada Balcad Oo Sheegay in Isbitaal La’aan ay Ka Jirto Magaalada Balcad


Maamulka degmada Balcad ee gobolka Shabellaha Dhexe, ayaa sheegay in degmadaasi iyo deegaannada hoostaga ay ka jiraan cudurro ay kamid yihiin duumada,  jadeecada iyo sidoo kale shuban biyoodka.


Guddoomiye ku xigeenka dhanka arrimaha bulshada ee maamulkaasi Jeelle Maxaas Jiimbaar  ayaa sheegay in degmada aanu ka jirin xarumo caafimaad oo dadka ay cuduradan soo ritaan lagu daweeyo, taasi oo xaaladda meel halis ah sii geysay.


Waxa uu sheegay guddoomiye ku xigeenka in dhammaan dadka cuuradan ay soo ritaan loo soo qaado isbitaallada ku yaalla magaalada Muqdisho si xaaladooda wax looga qabto.

“Cudurro badan ayaa ka jira degmada iyo deegaannada hoostada, sida Duumada, Shubanka iyo Jadeecada, dadka xaaladooda daran waxaan u qaadnaa magaalada Muqdisho, illaa hadda ma qabno xarun caafimaad oo dadka wax looga qabto” ayuu yiri Jiimbaar.

Guddoomiye Jiimbaar ayaa ugu dambeyn ugu baaqay Wasaarada Cafimaadka somaliya iyo Wasarada Cafimaadka Hirshabelle iyo  hay’adaha samofalka ah iyo Dadka Degaaanka ka soo jeeda ee ku nool dalka dibadiisa  iney xarumo caafimaad ka hirgeliyaan degmada Balcad si wax loogu qabto dadka degmadaas iyo deegaannada ku dhow dhaw

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*