Xildhibaanada Deegaanka Gaalkacyo Oo Eedeyn u Jeediyey Duqa Magaalada Gaalkacyo


Golaha deegaanka ee magaalada Gaalkacyo ayaa ku eedeeyey duqa magaaladaasi inuu iska diiday in lala sameeyo la xisaabtan dhanka maaliyadda ah.


Cali Xuseen Cali oo kamid ah golahan ayaa u sheegay in tani ay keeni karto caqabad ballaaran oo dhanka dowladda Hoose ee Gaalkacyo ah.

Waxa uu tilmaamay in ka gole ahaan ay la hadleen wasaaradda arrimaha gudaha ee Galmudug si aysan ugu qaldamin warbixinno been abuur ah oo uu sheegay in duqa Gaalkacyo gudbiyey, waa sida uu hadalka u dhigaye.


“Annaga waxaan dooneynay inaan la xisaabtanno Duqa Magaalada Gaalkacyo, hase ahaatee waa uu naga diidey, waxaana uu kasoo horjeestay inaan  la fariisanno oo aan wax ka weydiinno arrimo la xiriira dhaqaalaha magaalada, sidaasi darteed wasaaradda arrimaha gudaha waxaan u sheegnay inaanay dhageysan warbixinno been abuur ah oo looga gubiyo Gaalkacyo” ayuu yiri Cali Xueen.

Dhanka kale, duqa magaalada Gaalkacyo ee Galmudug Xirsi Yuusuf Barre,wuxuu ka gaabsaday inuu ka hadlo eedeynta loo jeediyey.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*