Booliiska Maraykanka Oo Toogtay Haweenay Reer Australi ah


Haweenay reer Australia ah ayaa dhimatay ka dib markii uu toogtay booliis Maraykan ah oo ka jawaabaya wicitaanka 911 oo Minneapolis kaga yimid.

Waaxda badbaada Shacabka ee Minnesota ee magaceeda loo soo gaabiyo BCA ayaa sheegtay in booliisku uu ka jawaabayay “weerar ay macquul tahay in uu dhaco” markii “Askari uu riday hubkiisa, isaga oo weeraray haweenay”.


Waaxda badbaada Shacabka ayaa sheegtay in ay baaritaan ku hayso arrinta Sabtidii dhacday laakiin waxay intaas ku dareen in aysan Shidnayn kaameerada askariga ku xirnayd markii ay arrintaasi dhacday.

inkastoo aan Si rasmi ah loo  shaacinin magaca haweenayda la dilay.


Warbaahinta Australia ayaa ku warramaysa in haweenayda oo 40 jir ah ay Minneapolis kula noolayd saaxiibkeed.

Haweenayda ayaa wacday lambarka 911 si ay booliiska ugu wargaliso cod ka soo yeeray gurigeeda agtiisa marka uu shilkani dhacay, sida ay wararku sheegayaan.

Duqa magaalada Minneapolis, Betsy Hodges ayaa warqoraal ah oo ay soo saartay ku sheegtay “in ay ka qalbi jabtay oo aad uga xumaatay waxa dhacay Sabtidii.

Sannadihii u dambeeyay Maraykanka waxaa ka Dhaca dilal badan oo ay booliisku u gaysteen shacabka, arrintaas ayaana sababtay walaac aad u badan iyo dhaleecayn in ay Ka Timaado .

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*