Maamulada Puntland iyo Galmudug Oo Maanta Tababar u Furay Ciidamo Ka shaqeeya Amniga Gobolka Mudug


Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa Maanta Magaalada Gaalkacyo Tababar uga Furay Ciidamo Isku Dhaf ah oo la doonayo in ay ka shaqeyaan Nabadda Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug islamarkaana ay ku soo laab laabteen Dagaalo soo noq noqday.


Madaxweyne Kuxigeenka Puntland C/xakiin C/llaahi Cameey iyo Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey ayaa ka qeyb galay Munaasabadda Tababarka loogu furay Ciidamada isku-dhafka ah.


Arrintaan ayaa ka dambeysay Heshiiskii Labada Madaxweyne Ee Galmudug iyo Puntland ay ku gaareen Magaalada Cadaado,Caleemasaarkii Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf. Waana arin Wanaagsan ay soo dhaweeyeen shacabka Ku nool magaalada galkacyo kuwasi oo u arka in ay tahay horumar laga gaaray dhanka Nabada

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*