Maamulka Balcad Oo Hirshabeelle iyo K/Galbeed Ugu Baaqa in la kala dhexgalo beelo dagaallamaya


Maamulka degmada Balcad ayaa madaxda Hir-Shabeelle iyo Koofur Galbeed ugu baaqay in ay kala dhex galaan maleeshiyaad ku dagaalamay inta udhaxeyso Afgooye iyo Balcad oo kala raacsan labada Maamul.

Deegaanka lagu dagaalamay waxa uu u dhaxeeyaa degmooyinka Balcad iyo Afgooye, Waxaana ka Taliya ,maamulada labada degmo inkastoo uu si gaar ah u saameeyey dagaalkii ugu dambeeyey ee shalay ka dhacay deegaanka Buula yareey.


Shan Qof ayaa ku dhimatay iyada oo ay tiro kale ku dhaawacmeen shalay kaliya kaddib markii labada Malleeshiyo beeleed ay labo jeer dagaallameen.


Dagaalkan ayaa salka ku haya dhulbeereed ku yaalla degaankaas oo uu midkasta dhankiisa sheeganayo in uu isaga leeyahay.

Dagaallada ku saleysan qabyaaladda ayaa ka jira meelo badan oo ka mid ah Gobollada dalka waxaana ka mid ah shabeellaha hoose, Shabeellaha dhexe,Hiiraan,Galguduud,Mudug,Sool iyo meelo kale.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*