Xeer ilaaliyaha Qaranka Oo Amaray in Dib Loogu Laabto Kuraasta Baarlamaanka uu Wali khilaafku Ka jiro


Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir oo markii ugu horeysay ka hadlay kuraasta baarlamaanka ee wali leysku hayo ayaa sheegay in dib loogu laabto doorashada 8 da Kursi ee maxkamada sare go’aanka ka soo saartay.


Xeer ilaaliyaha ayaa tilmaamay in aysan macquul aheyn in aan la dhaqan gelin oo aan la dhageysan go’aanada muhiimka ah ee ka soo baxa maxkamada sare ee dalka.

Sidoo kale Waxa uu sheegay in Baarlamaanka laga doonayo in ay tixgeliyaan oo ay maqlaan go’aanka Maxkamada ay gaartay dibna doorasho loogu celiyo Kuraansta ay tilmaantay maxkamada ee cadaalad darrada iyo Musuqa ku soo baxay.


“ Waxaan taageerayaa go’aanka maxkamada sare ka soo baxay anaga ma dooneyno in aan u kala safano xildhibaanada baarlamaanka balse waxaa muhiim ah in laga shaqeeyo cadaaladda oo dib doorasho xalaal ah loogu  celiyo kuraasta aan saxneyn ee baarlamaanka ku jira “ayuu yiri xeer Ilaaliyaha Qaranka”.

Waxaa uu sheegay in baarlamaanka laga doonayo hada in ay si shuruud la’aan ah ku fuliyaan go’aanka ka soo baxay Maxkamada Sare ee dalka isla markaana ay sharciga ilaaliyaan.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*