Man City Oo La Soo Baxday Qorshe Cusub Oo ay Arsenal Kaga Dalbanayaa Alexis Sanchez


Naadiga  Kubada Cagta Manchester City ayaa la sheegayaa in ay dhigeeda Arsenal u soo bandhigtay qorshe Cusub oo ay kaga qaadanayaan Cayaaryahanka dalka Chile ee Alexis Sanchez kadib markii uu fashilmay qorshihii koowaad ee ay ku doonayeen.


Manchester City ayaa lasheegayaa in ay Arsenal u sheegtay in lacag kaash ah ay kaga iibiyaan Cayaaryahanka Alexis Sanchez lacagtaas oo gaareysa £70m isla Markaana ay iska hilmaamaan Raheem Sterling oo markii kujirey qorshe kala badalasho labada Cayaaryahan ah.


Arsenal ayaa horay u diidey in ay Manchester City kaga iibiyaan Cayaaryahankooda lacag dhan £50m Waxaase hada Naadiga City Kordhisey lacagta oo ay Gaarsiisey £70m  Waxaana macquul ah ayaa la leeyahay in Arsenal aqbasho qorshaha lacageed ee Cusub ee Manchester City u soo bandhigtay maadaama Alexis Sanchez heshiiskiisa ay kaharsantahay oo kaliya 11 bilood

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*