RASMI: Kooxda Liverpool o dhammaystirtay saxiixa xiddigii Arsenal ee Alex Oxlade-Chamberlain.


 


Naadiga  kubadda cagta Liverpool ayaa hadda ku dhawaaqday inay dhammaystirtay saxiixa laacibkii khadka dhexe ee kooxda Arsenal Alex Oxlade-Chamberlain, waxaana ay saxiixiisa ku garaacday Chelsea.


Oxlade-Chamberlain ayaa la soo warinayaa inuu heshiis waqti dheer ah ugu biiray kooxda ka dhisan garoonka Anfield, iyadoo aan xitaa la shaacin qiimaha uu ugu wareegay Liverpool, inkastoo wararka qaar ay sheegayaan inuu Gunners ugu biiray adduun dhan 35 milyan oo gini.

Oxlade-Chamberlain ayaa hadda noqday saxiixii afaraad ee kooxda Liverpool xagaagan, kaddib Andrew Robertson, Mohamed Salah iyo Dominic Solanke oo ku soo biiray kooxda Merseyside-ka

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*