Suuqa kala iibsiga Spain Oo Xirmay iyo Barcelona Oo Gacmo Maran Ka Laabatay


Waxaa xirmay suuqa kala iibsiga Cayaartoyda dalka Spain kaas oo maalin ka danbeeyey suuqayada kale ee qaarada yurub waxaana laga war sugayey Naadiga Barcelona oo lays lahaa waxa ay qaadan Cayaartoyda ay doonayeen.

Barcelona ayaa ku hungoowdey in ay qaataan dhamaan Cayaartoydii ay doonayeen kuwaas oo ay ka mid ahaayeen hilippe Coutinho iyo Angel Di Maria kuwaas oo kooxihii ay u dheelayeen diideen in ay ka iibiyaan kooxda dalka Spain.


Taageerayaasha Barcelona ayaa Xanaaq iyo madax Xanuun ay u ahayd daqiiqadihii ugu danbeeyey ee suuqa kala iibsiga iyaga oo filayey in ugu yaraan hal Cayaaryahan ay lasoo wareegi doonaa.


Raga u qaabilsan suuqa kala iibsiga kooxda Barcelona ee kala ah Robert Fernandez iyo Albert Soler ayaa Saxaafada wajihi doona Maalinka sabtiga ah waxaana laga doonayaan in ay faah faahin kabixiyaan Sababtii ay ugu Guuldaraysteen suuqa kala iibiga.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*