Xulka Spain Oo Dhulka Ku Jiiday Xulka Italy


 

Sadex gool oo ay kala dhaliyeen Isco iyo Alvaro Morata ayaa guuldaro dhabarka u saariyay Itali kulankii ay Spain ugu martiyeen Santiago Bernabeu. La Roja ayaa haatan ugu cad-cad iney kusoo baxaan kaalinta 1-aad group G madama ay 3-dhibcood ka sareeyaan Italy oo booska labaad ku jirta.

:: BANDHIGGA GAROONKA ::

GOAL!!: DAQIIQADII 14”aad ee qeybta hore ee ciyaarta Isco Alcaron ayaa gaaray
shabaqa wuu waardiyaha ka yahay Buffon, kadib markii uu si habsami leh u
dhameystiray laad xor ah oo la dhigay meel aan ka fogeyn goolka – golhaye Buffon ayaana awoodi waayay inuu shabaqa ka badbaadiyo kubadaas.

GOAL!! : Daqiiqadii 39”-aad: ee dhamaadka qeybtii hore ciyaarta Isco ayaa mar
kale hogaanka usii dheereeyay qaranka 
Spain – kadin markii kubad uu ka tuuray afka hore xerada ganaaxa, si qurux badan ayuuna lugta bidix kubadda ula helay kana galiyay dhinaca bidix ee shabaqa.

Waxana qeybtii hore ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 2-0, oo ay ku hogaaminayaan qaranka Spain – Isco ayeyna labada gool kaga mahad celiyeen kaas oo si qurux badan kubado u daba marsiiyay goolhaye Buffon.


Qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa la isku soo laabtay iyadoo labada xul aysan wax isbadal ah ku sameyn safkii ay kusoo bilowdeen.

Daqiiqadii 48-aad: Italy ayaa u dhawaatay iney hesho gool rajo soo celin ah markii uu kubad dhinaca kala soo galay Immobile – si fudud ayuu ku siiyay Insigne kaas oo kubad awood leh ku tuuray goolka balse De Gea ayaa soo badbaadiyay – Candreva ayaa helay fursad fiican balse kama faa’ideysan isna.


GOAL: Daqiiqadii 77″-aad: Alvaro Morata ayaa si habsami leh shabaqa ugu leexiyay kubad uu diilinta lixaad iyo xariiqda inta u dhaxeysa soo dhigay Sergio Ramos, wuxuuna ahaa gool wadnaha jaray talyaaniga.

Ugu dambeyn natiijada ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 3-0, Oo guusha ku raacday xulka qaranka Spain.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*