Xulka Qaranka Belgium Oo u Soo Baxday Koobka Adduunka


Dalka Belgium ayaa noqday dalkii u horreeyay ee Yurub ka socda ee xaqiijiya in uu u soo baxo Koobka Adduunka ee xagaaga soo socda la qabanayo, marka laga reebo Ruushka oo isagu martigalinaya.


Labo gool oo ay u kala dhaliyeen Jan Vertonghen iyo Romelu Lukaku ayaa u horseeday guushii ay ka gaareen ciyaartii ay la yeesheen Giriigga.

Dhammaan saddexdii gool ee ciyaarta waxay dhasheen shan daqiiqo oo ka mid ah qaybtii dambe ee ciyaarta, Vertonghen ayaana furay gool dhalinta.

Zeca ayaase gooshii barbaraha u keenay Giriigga, waxyar ka dibna Lukaku ayaa gooshii guusha u dhaliyay daqiiqad ka dib.

Belgium ayaa hogaaminaya kooxaha ku wada jira H, labo ciyaarood oo kale ayayna wada dheeli doonaan.


Waxay ku biiri doonaan Brazil, Mexico, Iiraan iyo Japan oo u soo baxay World Cup

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*