Xulka Netherlands Oo Noolaysay Rajada ay Ka Qabto Koobka Adduunka


Davy Propper ayaa labo gool dhaliyay iyadoo Netherlands ay sii noolaysay rajada ay ka qabto in ay u soo baxdo Koobka Adduunka ee xagaaga soo socda la qabanayo, ka dib markii ay ka badisay Bulgaria


Ciyaaryahanka khadka dhexe uga dheela kooxda Brighton ee ka dheela Horyaalka Ingiriiska ayaa dhaliyay gooshii koowaad ka hor intii uusan goosha labaad dhalinin Arjen Robben.

Georgi Kostadinov ayaa dhaliyay gool xor ah isaga oo rajo galiyay Bulgaria laakiin gool uu madaxa ku dhaliyay Propper ayaa xaqiijisay guusha Netherlands


Xulka Qaranka Netherlands ayaa kaalinta saddexaad kaga jirta kooxaha A, waxaana ka horreeya Sweden oo kaalinta koobaad ku jirta iyo Faransiiska oo kaalinta labaad ku jirta.

Goosha Robben ayaa ahayd middii 34aad ee uu u dhaliyo dalkiisa wuxuuna ka dul maray Johan Cruyff oo ahaa ciyaaryahan caan ahaa oo haystay goolasha ugu badan ee qarankiisa loo dhaliyo.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*