AC Milan oo Dhulka Ku Jiiday Naadiga Austria Vienna


Naadiga AC Milan ayaa kusoo laabashada Yurub bandhig wacan la timid kadib markii tartanka Europa League qaybtiisa guruubyada ay guul weyn ku bilaabeen.


AC Milan ayaa 5-1 cagta ku marisay naadiga Austria Vienna kulan sedexleey uu dhaliyay weeraryahanka reer Portugal Andre Silva.

Kubad sameeyaha reer Turkey Hakan Calhanoglu ayaa kulankaan daah ku furay daqiiqadii 7-aad waxaana caawinaad ka geestay Kalinic.

Sedex daqiiqo kadib Andre Silva ayaa 2-0 ka dhigay waxaana caawinaad ka geestay kubadaan Hakan Calhanoglu.


Kulankaan Milan maamulidiisa ayay iska wadatay waxaana 3-0 ka dhigay Andre Silva daqiiqadii 20-aad sidoo kalena Andre Silva ayaa kubada caawiyay.

Naadiga Austria Vienna goolka agoonka ah waxaa u dhaliyay Alexandar Borkovic daqiiqadii 47-aad balse cayaarta waxba kama badalin.

Waayo Andre Silva ayaa sedexleydiisa dhameestirtay daqiiqadii 56-aad waxaana goolkaan caawinaad ka geestay Franck Yannick Kessie.

Damaashaadka goolasha Milan waxaa soo qatimay Suso oo cayaarta ka dhigay 5-1 daqiiqadii 61-aad.

AC Milan safarkii ay Austria ku tagtay waxay kala soo laabatay guul weyn ayadoo 5-1 ku xasuuqday naadiga Austria Vienna.

Dhinaca kale kooxda AEK Athens oo isla guruubkaan D ku jirto waxay 2-1 guusha kaga soo qaateen naadiga Rijeka.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*