Mourinho Oo Aad Ugu Xanaaqsan Pogba Xili Uu Dhawac Yahay Xiddiga


Jose Mourinho ayaa aad ugu carreysan Paul Pogba kaa oo garoomada ka maqnaan doona ilaa 6 usbuuc.

Macallinka reer Portugal iyo shaqaalihiisa ayaa ku eedeeyay xiddiga qadka dhexe inuu iska dhago tiray talo iyo waano ay u soo jeediyeen waaxda caafimaadka kooxda oo ku aadan dhaawaca muruqa.


Pogba ayaa garoonka ka baxay isagoo dhutinaya iyadoo markii dambana la arkayay isagoo biro ku kutubaya kaddib ciyaartii ay 3-0 uga adkaadee Basel tartanka Champions League maadaama uu gaaray dilaac muruqa ah.


Dhaawac sidan oo kale ah ayuu saddex kulan ku seegay kal ciyaareedkii tagay, waaxda caafimaadka kooxda ayaana kolkaa siiyay tilmaamo cad oo sida looga hor tago inuu dhaawacan ku soo laab laabto.

Laakiin Pogba ayaa taa badelkeeda daweyn ka helayay qof shaqsi ah oo wax tababara halkii uu qaadan lahaa talada iyo waanada waaxda caafimaadka kooxda taa oo aad uga careysiisay Jose Mourinho.

Jose iyo kooxda caafimaadka ayaa iminka aaminsan inay dhago adeegaasi ka dhigtay Pogba inuu noqdo mid u nugul dhaawaca.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*