Naadiga Arsenal Oo Dib Miciyo Kala Soo Baxday


Alexis Sanchez ayaa gool qurux badan dhaliyay mar dambe, iyadoo Arsenal oo gool lagaga naxsaday ay u suurtagashay in ay iska soo Guto oo waliba badiso.

Sanches oo reer Chile ah oo maalintii u dambaysay ee suuqa kala iibsiga qarka u fuulay in uu ku biiro Manchester City ayaa kubadda ka qaatay meel ka baxsan diilinta 18aad, darbad ayuuna ku dabo mariyay gool haye Timo Horn.

Ciyaartan oo ka tirsanayd koobka Horyaallada Yurub ee Europa League ayaa saacad dib loo dhigay ka dib markii ay taageereyaal rabshad kiciyeen.


Arrintan ayaa timid ka dib markii ay garoonka yimaadeen kumannaan taageerayaashii marti ahaa oo aan wadanin tigidhadii ay ku gali lahaayeen garoonka iskuna dhaceen ilaaladii gudaha garoonka Emirates.

Markii ay ciyaartu billaabatay Cologne ayaa goosha si qurux badan ula hormartay.


Qaybtii hore ee ciyaartana 1-0 ayay ku dhammaatay iyadoo markii firimbiga la yeeriyayna lagu oriyay kooxdii gurigeeda lagu dheelayay.

Sead Kolasinac oo ciyaarta baddal ku soo galay ayaa goosha barbaraha keenay, intaas ka dibna Sanchez ayaa labeeyay, gooshii saddexaadna meel aan goosha ka fogayn waxaa shabaqa ku hubsaday Hector Bellerin.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*