Duufaanta Maria Oo Dad Ku Ddishay Jasiiradaha Caribbean-ka


Ku Dhawaad 15 qof ayaa ku dhimatay labaatan qof oo kalena waa lagu la’yahay jasiiradaha Dominica ka dib markii ay ku dhufatay duufaanta Maria. Waxaana warkani sheegay ra’iisul wasaaraha jasiiradaha Caribbean-ka.

‘Waxay ahayd arrin mucjiso ah in dhimashadu aysan boqolaal gaarin’ ayuu yiri ra’iisul wasaare Rooseevelt Skerrit.

Duufaanta Maria ayaa garaacday deegaanada Dominica maalinimadii Isniinta waxay burburisay boqolaal guri.

Sidoo kale Waxa ay cagta marisay duufaantani Puerto Rico. taasoo sababtay in jasiiradaasi ay koronto la’aanta noqoto.


Waxaa burburay guryo badan iyo iskuulaad,  waxaa go’ay isgaarsiinta. korontaduna waxay ka maqan tahay isbitaalo badan oo jasiiradahaasi ku yaalla.

Saraakiisha maamulka Puerto Rico ayaa dadka deegaanadaasi u sheegay inay u guuraan dhulka sare ee ka baxsan meelaha ay daadadku ka dhaceen.


Waxaa  kale Oo a saadaalinayaa inay roobab badan da’aan duufaanta ka dib.

Duqa Jasiirada ayaa masiibadan ku tilmaamay ‘ Duufaantii ugu darnayd qarnigan ‘

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*