Safarka Madaxweyne Farmaajo Ma Naqanayaa Mid Bedela Moqifkii ay Ka Taagneed Dowlada Somaliya Xaalada Khaliijka


Waxaa Saakay Magaalada Muqdisho Ka Amba Baxay Wafdi uu Hogaami nayo Madaxweynaha Somaliya ayagoo Ku Sii Jeeday Dalka Sacuudiga Hase ahaatee Waxaa Jiray Khilaafka u dhaxeeya dowlada somaliya iyo Mamul gobaleedyada

Sidoo Kale Khilaafkaasi ayaa  Salka Ku Hayo  khilaafka u dhaxeeyo dowladaha khaliijka ayadoo ay Dowlada Somaliya Ka Qaadatay Go.aan Dhex dhexaad ah Halka Mamul Gobaleedyada Ay Ka Qaateen Goaano Ka Duwan  Dowlada Somaliya Ayagoo Taageero Cad  u Muujiyay  Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaratka..

Dhinaca Kale Safarka Degdega ah ayaa loo Arkaa Mid Muujinayo in uu La Kulmayo Cadaadis Dhanka Siyaasada ah Oo Kaga imaanaya Sacuudiga iyo imaaraatka. Maadaama  loo Soo Maray Dhanka  Mamul Goboleedyada.Dhawaan Waxaa La arkayay Muran u Dhaxeeya Qaar Ka Mid ah. Mamul Gobaleedyada iyo Dowlada Dhexe Somaliya.

Inkastoo qaar ka mid ah shacabka ay Sheegayaan in Goaanka  Dalka Loo Daayo Dowlada Dhexe Somaliya Halka Mamul Gobaleedyada looga baahan Yahay in ay Ka Tali Bixiyaan  Madama Dalka uu  Ka Jiro  Nidaam Federaal ah.

Sidoo Kale Dowladaha  Sacuudiga iyo Imaaraaka ayay ugu Baaqeeyn in Faragelinta  Qaawan Ka Daayaan Dowlada Somaliya iyo Shacabkeeda Maadaama ay yihiin Kuwa Ka Soo Kabanaayo  Abaaro iyo Colaado Sokeeye.

Ugu Danbeeytii Safarka madaxweynaha ayaa u eg mid bedelaya  moqifkii ay ka taagneed dowlada somaliya ee xaalada  Ka Dhex Taagan dalalka khaliijka .Maadaama uu  Cadaadis Kala Kulmay Waddamada Xariirka u Jaray Dalka Qadar .Hase  ahaatee Dadka Qaar ayaa tilmamay Hadii UU Madaxweynaha Wax Ka Bedalo Mowqifkii  Dhex Dhexaadka ahaa in uu  Mar Kale uu  La Kulmayo Cadaadiska  Dhanka Siyaasada Guddaha ah.Maadaama Hada Lagu eedeeynayo Arinka  Dhiibida C/Kariin qalbi Dhagax.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*