Naadiga Bayern Munich oo eriday tababare Carlo Ancelotti


Naadiga Bayern Munich ayaa shaqada ka eryay Tababaraha kooxdaasi, Carlo Ancelotti, ka dib guuldarradii 3-0 ahayd ee Paris St-Germain ay habeenkii Arbacadii dusha u saartay, ciyaartaasi oo ka tirsanayd Horyaallada Yurub.

Macallinkan Talyaaniga ah ayaa horraantii xilli ciyaareedkii tegay tababarka kooxdaasi kala wareegay Pep Guardiola.


Ancelotti, oo 58 jir ah, ayaa xilli ciyaareedkii hore horyaalka Bundesliga la qaaday Bayern, balse waxa uu kooxdaasi dhaafin waayay rubuc dhammaadka horyaallada Yurub.

Waxaa si ku meelgaar ah xilkiisa ula wareegaya kuxigeenkiisa Willy Sagnol.

Bayern oo ku guulaysatay horyaalka Jarmalka shanti xilli ciyaarood ee lasoo dhaafay ayaa hadda kaalinta saddexaad kaga jirta shaxda kala horaynta.


Tababare Ancelotti oo horay usoo layliyay kooxaha Chelsea, PSG, Real Madrid iyo AC Milan ayaa saddex goor ku guulaystay koobka horyaallada Yurub.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*