Dhagax Yar Oo Dheeman ah Oo Lagu Kala Iibsaday $53 Milyan


Dhagax yar Oo  dheeman  ah ayaa magaalada London lagu kala iibsaday adduunka lacageed oo gaaraya $53 milyan oo doolar


Ninka lagu magacaabo Laurence Graff oo ah guddoomiyaha shirkadda Graff Diamonds ayaa iibsaday dheemankan oo la sheegay in uu yahay kan labaad ee adduunka ugu weyn inta gacanta lagu hayo.

Dheemankan ayaa waxaa soo heshey shirkadda Canada laga leeyahay Lucara Diamond Cord, waxayna kasoo qoday dalka Botswana labo sano ka hor.

Dheemankan ayaa waxaa lagu magacaabaa “Lesedi La Rona” oo micnaheedu yahay “Illeyskeenii” marka laga soo turjumo afka Tswana ee looga hadlo dalka Bowswana.

Waxa uu la egyahay kubbada teeniska oo kale, waxaana la sheegay in uu yahay mid aad nadiif u ah oo sidii dhalo oo kale wax looga dhex arki karo.

Dhagaxaan yar ayaa la galin doonaa hawl dheeraad ah oo la sii kala qeybin doonaa si looga sameeyo waxyaabo kale sida ay shirkadda sheegtay.

Dheemankii kan ka horeeyay waxaa laga heley dalka Koonfur Afrika sanadkii 1905-tii, kaas oo lagu magacaabi jiray Cullinan Diamond.


Laurence Graff ayaa dheemankan ku tilmaamay dheemanka adduunka ugu weyn ee cayriinka ah.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*