Tababare Antonio Conte Muxuu Ka Yiri Guuldaradii Chelsea ay Man City Kala Kulantay


Kooxda Chelsea waxay guul daro 1-0 kala kulantay naadiga Man City cayaar ka tirsan Premier Legaue kana dhacday garoonka Stamford Bridge.

Macalin Antonio Conte ayaa ka hadlay guul darada kooxdiisa ku dhacday inta badana wuxuu diirada saaray in kooxdiisa daal xoogan haayay ka hor kulankaan.


Conte wuxuu yiri “Waa arin maan gal ah in guuldaro kugu dhici karto marka 7-maalmood gudaheeda 3-kulan aad cayaartid”


“Sidoo kale wax walbo ayaan sameenay waana ku faraxsanahay cayaartooydeeda dadaalka ay sameeyeen, dib ayaan isku abaabuli doonaa waana soo laba kacleyn doonaa kadib kulamada qaramada marka laga soo laabto”

Macalin Conte ayaa ugu dambeyntii soo kabasho deg deg ah u rajeeyay Alvaro Morata oo dhaawac dhanka muruqa hoose ah soo gaaray.

Conte wuxuu yiri “Waxaan rajeynaa dhaawaca Morata inuusan halis ahayn, sidoo kale soo kabasho dhaqsi ah ayaan u rajeynaa’

 

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*