Kooxda Chelsea ayaa waxaa ay abaal marin ugu dhigaysaa macalinkooda Conte suuqa January


Kooxda Chelsea ayaa waxaa ay abaal marin ugu dhigaysaa macalinkooda Conte suuqa January dhowr ciyaaryahano oo kale ah Alex Sandro iyo Sanchez si shaqadiisa uu usii wato macallinkaasi.
Chelsea ayaa diyaar u ah in ay lasoo saxiixato xiddigaha ay u aragto in ay badbaadin karaan hannaankeeda ciyaareed iyo tababare Conte, £60milyan ayey horay ugu dooneysay Juventus laacibka difaaca bidix uga ciyaara ee Alex Sandro si uu shaqada macallin Antonio Conte uga caawiyo kusii socoshada hannaan wanaagsan.
Kooxdan ayaa aad uga baqdin qabta in ay weyso macallinkeeda oo lala xiriirinayo AC Milan oo hadda dhaqaale badan gelineysa suuqa.
Sikastaba Sanchez iyo Sandro ayaa ah xiddigaha ay kooxdu dooneyso in ay suuqa kala gadadka ee Janaayo kusoo qaadato, Conte ayaana ku qaboobi doona helidda labadaas laacib.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*