AKHRISO:Wax Ka Ogoow Shan Arrimood Oo ay Dowlada Somaliya Ku Sifoowday


Tan iyo Markii la Soo Dhisay Doowladii uu Madaxweeynaha ka ahaa C/qaasim Salaad xasan Waxaa Dalka Somaliya ka Sii dhamaanayay Nidaamka Hogaamiye Kooxeedka ee Ku dhisanaa qabiilka ayadoo Dowlado Dhowr ah Dalka Dibadisa lagu soo dhisay Waxaa Ka Mid ahaa alah u Naxaristee Madaxweyne C/laahi Yuusuf , Mudo ka dib Waxaa La Soo Dhisay Madaxweyne Shiikh Shariif shiikh axmed Hase ahaate Mudadii uu xilka Hayay Madaxweeyne Shiiq Shariif shiiq axmed Waxaa uu Dalka  Gudahiisa Ku qabtay   doorasho Mudo  laga Joogay 45 Sano Ka dib .

Bishii Setembar 2012 Waxaa Magaalada Muqdisho Lagu qabtay Dorasho Madaxweeyne Waxaana Ku soo Baxay Madaxweeyne Xasan Shiiq Maxamuud. Mudo 4 sano ah kadib waxaa Magaalada Muqdisho lagu qabtay Doorasho kale Waxaana Ku soo Baxay Madaxweynaha Talada Hayo ee Madaxweeyne Maxamed Cabdulaahi farmaajo Waxaana la Doortay 8-2-17

Sidoo kale Madaxweeyne Farmaajo waxaa uu soo magacaabay R/Wasare Xasan cali kheyre hase ahaatee Dorashada Madaxweyne Farmaajo iyo Soo magacabista R/Wasare Kheeyre Waxaa aad u soo dhaweeyay Shacabka somaliyeed ayagoo u Heeystay in Dalka uu isbedel Wanaagsan uu Galay. Hase ahaatee Sheekada Waxa ay Naqatay “Halkii Roob Laga Sugaayay Oo Ceryaamo Naqatay”

Hadaba Maxaa Laga Dhaxlay Oo Dhibaatooyin ah Dowlada Farmaajo iyo kheeyre

1:Waxaa laga Dhaxlay in ay Cunaqabteen Siyaasadeed iyo Mid Dhaqaale Ku Soo Rogaan Degaanada Hirshabelle ayagoo Xayiraado Saaray Garoomada  Diyaaradaha ee Hirshabeelle

2:Waxaa kale Oo Ku Soo Xigay in Muwadin somaliyee In lagu wareejiyo Dowlada Itoobiya Taasi Oo Naqatay Mid Qiyaano qaran ah.

3:Waxaa kale ay u Soo Qalab-qaadateen in ay Mamullada Dalka Ka dhisan in ay Bur-buriyaan ayagoo u soo maraya Nidaamka qabiilka ah Sida Hadda Ka Muuqato Mamulka Galmudug Sida Madaxweeyne Ku xigeenka Galmudug Oo ay isku Beel yihiin Madaxweyne Farmaajo Halka Gudomiyaha Barlamaanka Galmudugna ay isku Beel yihiin R/wasaare Kheeyre Taasi Oo u Muuqatay in ay Taagero Cad u Muujiyeen ka dib Markii uu Khilaaf siyaasadeed soo kala dhex galay Mamulka Galmudug, Inkastoo uu Khilaafka salka Ku Hayay Xalaada siyasdeed ee Khaliijka kadib markii uu Taageeray Madaxweyne Xaaf.

Sidoo kale Waxaa xil ka qaadis lagu sameeyay Madaxweeyne Xaaf, ayadoo Dhibaatada ugu weeyn ay aheed Halkii Dowlada dhexe laga sugayay in ay soo kala dhex Gasho Muranka Siyaasadeed ee Ka Dhex Jiro Mamulka Galmudug ayay Taageero u Muujisiyay Xil ka qaadista lagu sameeyay Madaxweeyne Xaaf.

4:Waxaa kale ay Caqabado Qarsoon iyo Kuwa Muuqda ka dhex Wadaan Maamulada Konfur Galbeed iyo Maamulka Jubbaland ayagoo Hadda Qorsheeynaya in Xil Ka qaadis lagu sameeyo Labada Madaxweeyne Waa Shariif Xasan iyo Madaxweeyne Axmed Madoobe.

5: Dowladda Federaalka  Oo Xildhibaanno Ka Tirsan Federaalka  u dirtay Puntland islamarkaana ay Sabab u Yihiin  khilaafka ka dhex taagan Madaxda Maamulka Puntland Madaxweyne Gaas iyo Ku Xigeenkiisa Eng:Cameey

 Ugu danbeeyntii Waxa ay Ku sifoobeen 5 Arrimood


1-Ku dhaqanka qabyaalada iyo Adeegsiga Dhaqaalaha Qaranka Somaliyeed

2-Muwaadiniinta Somaliyeed Oo ay Dowladaha Shisheeya Ka Iibsadaan. Iyo Ku xirnaanshaha dowlado shisheeye iyo fulinta danahooda Gaarka ah.

3– Kaligii Taliyanimo ayagoo Doonaya in Dalka ay Ku Maamulaan Wareegto Ka Soo Baxday Gurigooda.

4-Dowlad jaceyl ku kooban in Tvyada Laga Hadlo Shacabka Masaakiintana La isku Sawiro. iyo Alle ka cabsi la’aan iyo towfiiq xumo Heeysato.


5:Abuurida Xasarado siyaasadeed iyo iska horkeenka bulshada iyo Ku Daneeysiga Magacyo Kale.

Waxaa Qoray Kala Xariir  

balcad110@hotmail.com

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*