Taageerayaasha Chelsea Oo Shaki Badan Ka Muujiyey dhaawaca N’Golo Kante


Taageerayaasha Naadiga kubada Cagta Chelsea ayaa Walaac Ka Muujiyey Dhaawac Soo Gaaray baldoosarka khadka dhexe uga dheela kooxdaas ee N’Golo Kante kaas oo dhaawac looga Saaray kulankii France ay 1-0 kaga badiyeen Bulgaria.


N’Golo Kante oo ah Xiddig aad muhiim ugu ah Naadiga difaacanaya Horyaalka dalka England ayaa lasheegayaa in uu soo gaaray dhaawac muruqa ah dhaawacaas oo keeni kara in uu mudo kaga maqnaado Naadiga oo dagaal ugu jirta sidii ay u difaacan lahaayeen Horyaalka,


Ninkaan ayaa laga cabsi qabaa sida lasheegey in wax yeelo ka soo gaartay muruqa intii aan lagu badalin Cayaaryahanka PSG u cayaara ee Adrien Rabiot.waxaana warka ugu danbeeya dhaawixiisa la ogaan doonaa marka lasaaro Scan.

Chelsea oo kulankii u danbeeyey Horyaalka ay garaacday Manchester City ayaa waxaa dhaawac kaga maqnaa Weeraryahankii ugu fiicnaa Xiligaan ee Alavaro Morata kaas oo la sheegay in 8 Todobaad ka maqnaan doono Garoomada.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*