Xulka Nigeria Oo Noqday Xulkii Ugu Horeeyey Afrika ee u Soo Baxa Koobka Aduunka 2018


 Laacibka naadiga Arsenal ee Alex ayaa dhaliyey goolka xulka Nigeria ay ku garaaceen qaranka Zambia si ay u noqdaan qarankii ugu horeeyey ee ka socda qaarada Afrika ee boos ka diyaarsada tartanka koobka aduunka sanadka dambe ee Ruushka  uu marti galin doono.

Guushan ay gaareen Nigeria, ayaa sababtay inay ku gaadhaan 13 dhibcood oo ay ku hogaamiyaan Group ka B – isla markaana aanay jirin xul soo gaadhi ciyaarta hadhaaga ah ee xul kasta u hadhay.

Fursado badan ayaya labada xulba iska khasaariyeen ka hor intii aanu Shehu Abdullahi kubad uu difaaca dhabarka uga soo jebiyey, aanu si qurux badan u dhamaystirin Iwobi daqiiqadii 73 aad ee ciyaarta.

Odion Ighalo, John Mikel Obi, Victor Moses iyo Moses Simon ayaa dhamaantood fursado goolal loo fishay ka khasaariyey xulka lagu naanayso Gor-gorada cajiibka ah.


Goolwadaha xulka Zambia ee Kennedy Mwenne ayaa biiti ku bed-baadiyey kubad khatar ahayd oo uu goolka ku ganay Wilfred Ndidi qaybtii labaad ee ciyaarta.

African WC Qualifying Group B: Played  Points

Nigeria – Qualified           5              13

Zambia                            5              7

Cameroon                       5              6


Algeria                             5              1

Waxay kula biirayaan wadamada ay kamidka yihiin – Brazil, Spain, Mexico, England, Germany, Iran, South Korea, iyo qaar kale, kuwaas oo dhamaantood boos ka diyaarsaday una soo baxay ciyaaraha xagaaga sanadka dambe ee koobka aduunyada.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*