Xildhibaano Iyo Siyaasiyiintii Dalka Soo Maray Oo eedeeyn Kala Dul Dhacay Farmajo iyo Kheyre


Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo qaar kamid ah Siyaasiyiintii Wax Ka Soo Qabtay Dowladihii dalka soo maray ayaa ka Hadlay Xaalada uu Dalka  Marayo iyo Siyaasada  Guracan  aan Wanaagsaneen ay Wax Ku wadaan Madaxweeyne Farmaajo iyo R/Wasaare Kheeyre

 

Baraha Bulshada ay kuwada xariirto ayaa aad looga Hadal Hayaa Hadalka Xildhibaanada iyo Siyaasiiyiinta ka Damqaday Xaalada  Siyaasadeed ee Adag uu Dalka Marayo  Waxaana ay Dowlada uu Madaxweeyne Farmaajo iyo R/Wasaare Kheeyre Ku Adeyeen Dhibaantooyinka ay Ka Mid Yihiin  Masuq-Maasuqa ah iyo Bur-burinta Maamulada Dalka Ka Dhisan .iyo Ku Tagri-falka Hantida Qaranka ee Somaliyeed. iyo Adeegsiga Qabiilka.

 


Sidoo kale Siyaasiyiintii Hore iyo Xildhibaanada Ka Tirsan Barlamaanka Somaliya  ayaa  Ku Tilmaamay Dowlada Hada Jirto in ay Ku Fashilantay Amaanadii Loo Dhiibtay iyo Dhibaatooyinkii  Laga Sugayay in ay Wax Qabato ,Waayo Waxaa aad arkeeysaa Dowlada Federaalka Oo Cunaqabateen Saareeysa Mamulada Dalka Ka Dhisan ayadoo isku Direeysa Qabiilada Kuwada Nool Degaanadaasi, Sidoo Kale Waxa ay Ku Kacday Qiyaano Qaran Waayo Muwaadin Somaliyeed ayay Ku Wareejisay Dowlada Itoobiya. Ayadoon Wax Faah-faahin ah Ka Bixin ,inkastoo uu Madaxweeyne Farmaajo uu Ku Hadli Jiray Hadalo ah “dalkaan iyo dadkiisa iib Ma ahan” Balse Maanta Waxaa la hayaa in Dadkii Lagu Badelanaayo Xogaa Dhaqaalo ah,


Dhanka  Kale Waxaa Hada Soo  Badanaya Masuuliyiin qaarkood dowlada ku jira iyo dad kale oo cadowga u shaqeenaya kuwaa oo ku mashquulsan sidii loo fashiln lahaa Jiritaanka Umada Somaliyeed, Waxaana Hormuud Ka ah Madaxda Qaranka ee Maanto Jirto ,Waayo Waxa ay Shacabka Somaliyeed Ka Sugayeen Wax Qabad ,Markii la Dooranayay Labada Mas,uul aad ayay u soo dhaweeyeen Balse Markii ay arkeen Wax qabadkoodii ayay Ka Rajo Dhigeen,  

Ugu Danbeeyntii Shacabka Soomaaliyeed waxaa la gudboon in ay gacmaha is qabsadaan ayna La Xisaabtamaan  Dowlada uu Hogaamiyo Madaxweeyne Farmaajo iyo R/wasaare Kheeyre Waayo Dalka Waxaa Soo Maray intii ay Xakumayeen Dhaqaalo Fara Badan iyo Gargaar Biniaadanimo .Mana Jiraan Goobo ama Gobolo Somaliyeed Oo La siiyay, Waxa ay u Adeegsadaan Danahooda Gaarga ah iyo in ay Ku  Laaluushaan Cidii Ka Hortimaado Siyaasadooda Guracan ee aan Wax Tarka Laheeyn.

 

Kala Xariir

Balcad110@hotmail.com

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*