Macalin Mourinho “Manchester United ma noqon doonto kooxda u dambaysa een tababaro”


Tababaraha kooxda Manchester United, Jose Mourinho ayaa sheegay in uusan rumaysnayn in uu xirfaddiisa ku soo gunaanadi doono kooxda uu hadda layliyo ee Horyaalka Ingiriiska ka dheesha.

Ninka reer Portuguese oo sannadkii labaad la jooga kooxda lagu naanayso Red Devils ayaan waligii koox ku nagaanin in kabadan afar sano oo xiriir ah, inkastoo uu toddobo kooxood soo layliyay.

Isaga oo la hadlaya telefeshin Faransiiska laga leeyahay ayuu Mourinho sheegay in ay la tahay in ay aad u wanaagsan tahay kooxda Paris St-Germain.

“Wali waxaan ahay tababare walwalsan, hiigsi leh oo doonaya in uu waxyaabo cusub sameeyo,” ayuu yiri Mourinho.

Tababarihii hore ee Chelsea, Real Madrid, Inter Milan iyo Porto ayaa TF1 u sheegay “ma rumaysni, maya, waan hubaa in aanan doonayn in aan halkan xirfadayda ku soo khatimo.”


Markaas ayaa la waydiiyay bal in uu arrintaas ula jeedo Manchester United, Mourinho wuxuu ku jawaabay “Haa”.


Mourinho oo xilli ciyaareedkiisii koowaad Manchester u soo hoyiyay koobabka EFL Cup iyo Europa League ayaa sheegay in wiilkiisu uu daawado PSG.

“Maxaa sababay Paris” sababtu waxaa weeye wax khaas ah ayaa halkaas ka jira, indhodaraandar, tayo, dhallinyaro, waa cajiib ayuuna siiraaciyay

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*