Deg Deg :Xildhibaan Ka Tirsan Barlamaanka Jubaland Oo la Dilay


Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa goor dhow oo fiidnimadii ah waxaa lagu toogtay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.


Wararka ayaa sheegaya in xildhibaanka la dilay oo magaciisa la oran jiray C/xakiin Timo-faras ay rasaas ku fureen rag bastoolaado ku hubeysan xili uu ku sugnaa meel aan ka fogeyn hoygiisa oo ku yaalla xaafada Calanley.


Raggii dilka geystay ayay u suuragashay iney baxsadaan ka hor inta aysan goobtaas gaarin ciidamada amaanka maamulka Jubbaland oo halkaas ka wada howlgalo baaritaano ah.

Saraakiisha amaanka Maamulka Juballand ayaan ka hadlin dilka xildhibaankan oo noqonaya kii ugu horeeyey ee laga dilo Baarlamanka Jubbaland.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*