XIldhibaan Bootaan Ciise Caalin oo Dalka India ku geeriyooday


Allaha unaxriistee waxaa Dalka Hindiya ku geeriyooday Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin oo ka tirsanaa Munayaasha Barlamaanka  Federaalka Soomaaliya kaasi oo in muddo ah xanuunsanayay.

Geeridiisa ayaa timid markii lagu sameeyey qaliin loogu talagalay in lagu bad baadiyo nolosha xildhibaankaasi oo muddooyinkii ugu dambeyeey xanuunsanaa.

Balse  Alla ha u naxriistee Xildhibaanka wuxuu Xalay galinkii dambe ku dhintay Isbitaalkaan ku yaal Dalkaasi Hindia.

Xildhibaana Prof Maxamed Cumar Dalxa oo katirsan Guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa  xaqiijiyay geerida xildhibaanka.


“Allaha u naxriisto Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin way ina soo gaartay geeridiisa in uu dalka Hindiya uu ku geeriyooday waa uu hanuunsanayay muddooyinkan,runtii marxuumka wuxuu kamid ahaa xildhibaanada lagu soo doortay magaalaad Imbagaati ee Dalka Kenya ilaa waqtigan Dowladda ayuu kujiray”. Ayuu yiri Xildhibaan Dalxa.


Meydka Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin ayaa haatan ku jira isbitalkii uu ku geeriyooday,waxaana la filayaa in dhawaan meydkiisa dib loogu soo celiyo dalka ku jiray Isbitaal Ku yaala Dalka Hindia Allah.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*