R/wasaare ku xigeenka Somaliya oo ku wajahan Suudaan


Ra’isalawasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed iyo Wafddi uu hoggaaminayo ayaa ku wajahan Dalka Suudaan oo la geeyay qeyb ka mid ah dhaawacyada weerarkii 14kii Bishan ka dhacay magaalada Muqdisho.

Wafddiga Ra’isalwasaare ku xigeenka waxaa ay u kuur galayaan cabashada ka soo baxday bukaannada la geeyay Dalka Suudaan ee la sheegayo in ay daryeel xumo soo wajahday.


Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa sheegay in dhaawacyada la geeyay Suudaan intooda badan la xalliyay inta dhimmanna la dhameystirayo maanta.

Waxaa uu u mahad celiyay mas’uuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ee Suudaan,danjiraha Qadar ee Suudaan iyo mas’uuliyiinta dowladda Suudaan ee arrintaas wada.


Mid ka mid ah dhaawacyada loo qaaday Suudaan ayaa ku geeriyooday Hawada intii loo sii waday dalkaas,iyada oo kuwii kalena ay intooda badanna cabasho keeneen.

Muuqaal laga duubay Bukaanno la geeyay Isbitaalka Mutamayiz ee Dalka Suudaan ayaa la maqlayaa iyaga oo ku cataabaya “Somaliya hana loo celiyo”,waxaana arrintaas lagu dhaliilay Safaaradda Soomaaliya ee Suudaan.

Warar soo baxaya waxaa ay sheegayaan in Bukaannada hadda loo kala qeybiyay 9; Isbitaal oo ku yaalla gudaha Dlakaasi kuwaas oo xaaladdooda caafimaad darro lagula tacaalayo.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*