Boqorka Sacudi Carabiya oo dhambaal hambalyo ah oo qaldan u soo direy Madaxweynaha Soomaaliya


Boqorka Sacuudiga Carabiya Salmaan Bin C/casiis ayaa u soo direy dhambaal hambalyo ah Madaxweyne Farmaajo taasoo lagu sheegay in loogu hambalyeynayo munaasabadda maalinta Qaranka Somalia iyadoo ay maanta taariiqdu tahay 21-ka Oktoobar.


Sidoo kale, Dhaxal-sugaha Boqortooyada, ahna Ra’iisul-wasaare-xigeenka iyo Wasiirka Difaaca ee Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan  Bin C/casiis waxa uu isagana khadka taleefoonka kula soo xiriiray Madaxweyne Farmaajo oo uu ugu hambalyeeyey waxa uu ugu yeeray Munaasabadda Maalinta Qaranimadda Somalia.


Warbaahinta Sacuudiga ayaa baahisay dhambaalada ay madaxda Boqortoyada Sacudi Carabiya u soo direeen Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo. Hase yeeshee dhambaaladan ayaan lagu soo beegin munaasabada maalinta qaranimadda Somalia oo ah 1-da Luulyo.

Ma aha markii ugu horeysay oo ay boqortooyada Sacudi Carabiya ay dhambaalo qaldan u soo diraan madaxda Soomaaliya, sanadkii hore ayaa sidan oo kale boqorka Sacudi Carabiya waxa uu dhambaal u soo direy Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*